Obama oo ka dayriyay qabyaaladda iyo musuqa Kenya

Image caption Obama ayaa khudbad u jeediyay dadka reer Kenya

Madaxweyne Barack Obama ayaa dadka reer Kenya u sheegay inay horumar weyn gaari karaan.

Balse waxaa uu sidoo lale xusuusiyay halista ay leeyihiin musumaasuqa iyo qabyaaladda.

Obama waxaa kumaan ruux kula hadlay garoonka Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Garoonka Kasarani ayaa billawgii sabnadkii hore loo adeegsaday in lagu xiro dad badan oo Soomaali ah xilli uu socday howlgal amni oo ka dhacay xaafadda Islii.

Image caption Garoonka Kasarani ayaa horey loogu xiray Soomaali lagu soo qabqabtay howlgal amni

Obama waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dalka oo dhan uu hal meel iska taago musuqmaasuqa.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in siyaasad ku dhisan qabyaalad ay dalka kala qeybin doonto.

Obama ayaa haatan soo gabagabaynayo booqashdiisa Kenya, isagoo la filayo inuu u duulo dalka Itoobiya.