Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Obama oo la hadlay dadka reer Kenya

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Obama inta uu joogo Addis Ababa waxa uu khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Midawga Afrika Talaadada.

Obama booqashada uu Addis Ababa tagay ka hor, waxa uu saddex maalmood soo joogay magaalada Nairobi, gabagabadii booqashadiisa ayuu dadka reer Kenya khudbad u jeediyay.

Waiyaha BBC-da Raage Xasan, oo ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee Kasraani ee uu Obama khudba ka jeediyay ayaa warbixintan inoo soo diray