Qarax ka dhacay hotel Jazeera ee Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qaraxa Jazeera

Ugu yaraan saddex iyo toban ayaa ku dhimatay qarax lala beegsaday hotel Jazeera ee Muqdisho.

Afartan iyo kow qof, ayaa ku dhaawacantay oo uu ka mid yahay diblomaasi reer Shiina ah inta la og yahay.

Gaari wayn ayaa loo isticmaalay weerarka, iyadoo uu burburiyay guryo u dhawaa hotelka.

Burbur badan ayaa ku dhacay hotelka oo u dhaw garoonka diyaaradaha, iyo safaaradaha Shiinaha, Masar iyo Qadar.

Baabuurta gurmadka deg dega ayaa goobta gaartay oo qaadey dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca.

Ciidammada dowladda ayaa sidoo kale la sheegayaa inay goobta gaareen.

Weerarkan ayaa yimid, iyadoo Muqdisho lagu qaban doono dhamaadka bishan shir caalami ee deeq bixiyayaasha iyo dowladda Soomaliya.