Suuqa saamiyada Shiinaha oo hoos u dhacay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Suuqa saamiyaha ee Shiinaha.

Suuqa saamiyada ee Shiinaha ayaa hoos u dhacay in kabadan siddeed boqolkiiba, iyadoo ay sii socoto hoos u dhac ku yimid dhawaan.

Bilowgii bishan, dowladda ayaa lacag badan ku kabtay suuqa saamiyaha, kadib markii uu qasaaray soddon boqlkiiba qiimahooda toddobaadyo gudahood.

Dadka ka faalooda ayaa sheegaya, in hoos u dhaca saamiyada ay sababtay maalgashatada oo ka walwalsan in dowladda ay yarayso taageerada dhaqaale ee suuqa saamiyada.

Warbixino dhawaan soo baxay ayaa sidoo kale sababay walaac laga qabo dhaqaalaha shiinaha