15 ku dhimatay qaraxii Jazeera Hotel

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qaraxa Jazeera Hotel ayaa u gaystay burbur badan hotelka iyo dhismayaashii u dhawaa.

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxii lagu qaaday Hotel Jazeera. Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in ay ogaadeen qaraxa inuu ka danbeeyay Somaali ka yimid magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Baaritaanka ayaa wali socda, waxaana caawinaya dowladda dad ajnabi oo qibrad leh.

Dhimashada qaraxa Hotel Jazeera ayaa korortay oo gaartay shan iyo toban, halka dhaawacana uu gaaray konton.

Dadka dhintay waxaa ku jiray dimlomaasi Shiino ah, oo kamid ah shaqaalaha safaarada Shiinaha oo qolol ku lahaa Hotelka.

Waxaa kaloo xafiisyo ku lahaa Hotelka, safaaradaha Qadar, Masar iyo diplomaasiyiin reer Kenya.

Qaar kamid ah dhaawaca oo dhaawacoodu fududaa waa laga saaray cisbitaalka, halka kuwii cuslaa oo waliba qaarkood koomo ay ku jiraan ay cisbitaalada yaalaan.

Waxaana dhaawaca ugu badan la dhigay Cisbitaalka Madiina.

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah Maxamed Cabdikarim Macalin iyo Cabdixakiin Maxamed Cumar.

Hada waxaa socda nadiifin burburkii dhacay.