Obama oo booqasho kumaraya Itoobiya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama

Madaxweyne Obama ayaa ku gudajira lugtii labaad ee socdaalka uu ku marayo Afrika, isagoo booqanaya dalka Itoobiya.

Mareykanka iyo Itoobiya ayaa iska kaashada la dagaalanka Islaamiyiinta mintidka ah, waxaana kumannaan ah ciidammada Itoobiya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Obama ayaa la filayaa in uu Itoobiya kala hadlo iskaashiga dhanka ammaanka ah, iyo wanaajinta xoriyadda dimuqraadiyada ku saleysan ee dalkaasi.

Waxa uu maalinta Talaadada ah khudbad ka jeedin doonaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, isagoo ka hadli doona arrimo ay ka mid yihiin colaadda ka taagan South Sudan.

Waa markii ugu horraysay ee madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska haya uu dalkaas booqdo, wuxuuna Obama noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee khudbad ka jeediya xarunta Midowga Afrika.