Turkiga oo sii waday duqeynta PKK

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidammada Turkiga oo sugaya ammaanka soohdintooda

Turkiga ayaa sii waday duqeynta uu ku hayo xooggaga PKK ee gudaha Ciraaq.

Waxaa jirta cabsi sii kordheysa oo ah in uu dib usoo laaban karo dagaalkii xukuumaa ee Kurdiyiinta Turkiga.

Kolonyo ka tirsan ciidammada Turkiga ayaa lagu qarxiyay magaalada ay Kurdiyiinta ku badan yihiin ee Diyarbakir.

Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii ay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay duqeeyeen saldhigyo ciidan oo ay leedahay jabhadda PKK, taasoo sheegatay mas’uuliyadda dil loo geystay askar boolis ah.

Iyadoo walaac laga qabo in ay burburto xabbad joojintii u dhexeysay dowladda Turkiga iyo jabhadda PKK, ayaa xukuumadda Ankara waxa ay ka codsatay safiiradda dalalka ku jira NATO, in ay Talaadada ku kulmaan magaalada Brussels.

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa BBC-da u sheegay in Turkiga aanu ka codsan kaalmo miletari.

Dhanka kale, waxaa sii xoogeysanaya dibad baxyada ay sameynayaan Kurdiyiinta ka careysan go’aanka dowladda iyo kuwa ku baaqa in xaaladda la dejiyo.

Dibad bax ay shalay dhigeen ayaa waxa ay ku dalbadeen in labada dhinacba ay joojiyaan xabbadda.

Turkiga ayaa maalmo ka hor markii ugu horeysay bilaabay duqeymo ka dhan ah ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee ka dagaallama Suuriya.