Hoggaamiye Islaami ah oo Pakistan lagu dilay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Malik Isxaaq ayaa ku dhintay iska horimaad lagu doonayay in lagu furto

Booliska Pakistan ayaa sheegay inay toogasho ku dileen hoggaamiyaha kooxda Sunniga ah ee Lashkar Yayiba ee dalkaasi ka howlgasho.

Booliska ayaa sheegay in Malik Isxaaq uu dhintay kaddib markii dablay hubaysan oo doonaysay inay xoog ku bixiyeen ay rasaas ku fureen gaari ay leeyihiin militariga oo isaguna ku jiray.

Saraakiisha ayaa sheegay in Isxaaq, labo ka mid ah wiilashiisa, iyo 11 askeri lagu dilay dagaalkasi.

Lix askari ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi.

Lashkar Tayiba ayaa sheegatay inay mas'uul ka ahayd weerarro ay ku dhinteendad dad badan oo shiicada dalka Pakistan ah.