Dacwa lagu oogayo askeri dilay nin madow ah

Image caption Ray Tensing ayaa waxa uu toogtay Samuel Dubose oo 43 sano jir ah

Dacwad soo oogayaasha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in dacwo dembi dil ah lagu oogayo askeriga jaamacadda Cincinnati, kaas oo toogtay qof madow ah oo aad hubeysneyn, horraantii bishan.

Samuel Dubose ayaa madaxa laga toogtay kaddib markii loojoojiyay in sharciga gaarigiisa uu lumay.

Dacwad soo oogaha oo lagu magacaabo Joseph Deters ayaa falkaasi ninka booliska caddaanka ah uu geystay, ku tilmaamay mid macnadaro ah, oo aan loo baahneyn, oona waxshinimo ah.

Muuqaal ay duubtay kaamiro ayaa waxaa ka muuqday xisaabtiisa hore asigoo gaariga dhankiisa taagan.

Jaamacadda Cincinnati ayaa laxiray ka hor go’aankaasi, iyadoo laga cabsi qabay inay isu soobaxyo rabshado wata ay halkaasi ka dhacaan.