Haraaga diyaaradeed oo Faransiiska la geynayo

Image caption Waxaa la aaminsan yahay shaygan inuu ka go'ay diyaaraddii Malaysia

Baalka diyaarad oo biyaha badweynta Hindiya ay ku caariyeen Jasiirad uu Faransiiska maamulo ayaa maanta loo qaadayaa dalka Faransiiska si baaritaan loogu sameeyo.

Khubaro ayaa waxa ay sheegayaan in qeybtan ay ka go’day diyaarad ah nooca Boeing 777, ayna noqon karto qeybtii ugu horeysay ee ee la arko oo ka mid ah diyaaradda Malaysia ee luntay bishii March ee sanadkii tagay.

Dowladda Malaysia ayaa dhankeeda waxa ay baarayaal u dirtay Jasiiradda Reunion halkaasi oo haraagan diyaaradeed laga helay, waxayna doonayaan inay baaritaan dheeraad ah ku sameeyaan.

Diyaaradda waxay muuqbeeshay sideedii March ee sanadkii 2014kii, xilligaas oo ay ku siijeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxayna ka kacday caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur.