Kenya Airways oo qasaartay

Dhibaatooyinka dhaqaale ee shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa u muuqda mid sii xumaaneysa.

Waxaa lagu soo warramayaa in marka la canshuuro kaddib uu qasaaraheedu yahay 250 milyan oo doolar sanad xisaabeedka 2014 iyo 2015.

Tani waa qasaaraha ugu badan ee abid lagu soo warramo. Waxaana loo sababeeyay qasaaraha inuu ka yimid tartan xooggan oo kaga yimid diyaaradaha bariga dhexe iyo hoos u dhac ku yimid tirada dalxiisayaasha booqanaya Kenya.

Cabsida weerarada Alshabaab iyo xanuunka Ebola ee ka dilaacay 3 dal ee bariga Afrika ayaa hoos u dhigay dalxiiska dalkan ku yaal bariga Afrika.