Taalibaan oo hogaamiye cusub yeelatay

<span >

<span >Taalibaanka Afghanistan ayaa magacaabay cidda badaleysa hogaamiyihii hore, Muallah Cumar, kaasi oo dhimashadiisu ay hadda sheegeen.

Hogaamiyaha cusub ayaa lagu magacaabaa, Mullah Akhtar Mansuur, oo ahaa taliyahii labaad, marna soo ahaa wasiir ka tirsanaa dowladdii Taalibaan.

Wariyaha BBC-da ee Kabul ayaa sheegaya, in magacaabistan ay noqon karto mid kala qeybsanaan keenta. Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Taalibaan ayaa si xooggan uga soo horjeeda Mullah Mansuur, iyagoo ku tilmaamay inuu u janjeero wadahadalada nabadda ee dowladda, uuna ku dhow yahay Pakistan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Afghanistan ayaa niyad jab ku tilmaantay dib u dhigidda deg degga, ee lagu sameeyay wareegga labaad ee wadahadalada nabadeed ee jimacaha lala yeelan lahaa kooxda Taalibaan.