FBI oo xoojineysa amniga internetka

Image caption Dhowr jeer ayaa la weeraray kumbuutarada shirkadaha Mareykanka

Warbixin ay soo saartay waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegeysa in FBI-du ay ku dadaalayaan sidii ay khubarada kumbuutarada ay ugu soo jiidan lahaayeen barnaamijka amniga internetka, kaas oo la filayo inuu raqiis noqdo.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in FBI ay awoodi waayeen inay isu keenaan mushaaraadka qeybaha gaarka loo leeyahay.

Arrintaasi ayaa la billaabay 2012kii si looga hortago halista kordheysa eek a imaaneysa burcadda kumbutarada.

Shaac ka qaadistan waxa ay daba socotay, kaddib markii 22 milyan oo qof, taas oo ah kala bar dadka Mareykanka ay saameysay kumbuutaro la jabsaday oo lagala baxay wixii kujiray bishii April ee sanadkan.

Mareykanka waxa uu weerarada dhanka internetka ah ku eedeeyaa Shiinaha, laakiin xukuumadda Beijing way iska fogeysay dhamaan eedaha.