US oo ka carootay dhismaha Daanta Galbeed

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption 300 oo guryo ayey Israa'iil ka dhiseysaa dhulka lagu muransan yahay

Dowladda Mareykanka ayaa sheegeysa inay si aad ah uga xuntahay qorshaha dowladda Israa’iil ay 300 oo guryo oo cusub uga dhiseyso dhulka xoogga lagu haysto ee Daanta Galbeed.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa waxa uu sheegay in Mareykanka uu sii wadayo muujinta dhismayaashaashi inay sharcidaro yihiin.

Israa’iil waxa ay diiday in dhismayaashaasi ay sharcidaro yihiin, waxayna ku doodeysaa in la ballan qaaday saddax sano ka hor, taas oo lagu badalanayay daadgureynta deegaamada baadiyaha.

Xubin sare oo ka mid ah maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in dhismahan cusub uu curyaaminaayo dadaallada dib loogu billaabaayo wadahadallada nabadda.