Beijing oo martigelinaysa ciyaaraha qaboobaha

Lahaanshaha sawirka REUTERS

Magaalada Beijing ayaa loo doortay inay martigeliso cayaaraha Olypica-da qaboobaha ee 2022, taas oo ka dhigeysa magaaladii ugu horeysay ee martigelisa cayaaraha Olympicada xagaaga iyo kuwa qaboobaha.

Magaalada Almaty ee Kazakh oo inay martigeliso kula tartameysay Beijing ayaa hartay.

Magaalada xarunta u ah Shiinaha ayey guddiga caalamiga Olympica-da ee ku kulmayay Kuala Lumpur, u xusheen inay guuleysatay.

Beijing ayaa sheegtay in qibradeeda martigelineed ee cayaarihii xagaaga todobo sano ka hor ay ka dhigtay musharaxa mudan, waxayna ku dooday inaysan dhib ku aheyn abuurista baraf ku filan.

Codsiga ay ku martigelineysay ayey magaalada Almaty ku dooday in IOC ay aheyd inay sameyso doorasho adag una codeyso magaalada barafka badan leh.

IOC ayaa waraaqo ku codeysay kaddib markii cilad ku timid qaabkii elektaroonikada ahaa ee la doonayay in lagu codeeyo.