Talaal wax looga qabanayo Ebola

Lahaanshaha sawirka AP

Hay'adda caafimadka adduunka ayaa amaantay natiijada talaal wax looga qabanayo xanuunka Ebola, kaasoo 100% looga badbaaday intii lagu guda jiray tijaabada oo ka dhacday Guinea.

WHO waxay sheegtay in dunidu ay qarka u saarnayd in la soo saaro tallaal wax ku ool ah oo looga hortago xanuunkaas laayaanka ah.

Dawada waxa lagu tijaabiyey 1000 qof, isla markii qof aad ugu dhow uu Ebola qaaday.

10 maalmood ka dibna ma jirin qof uu cudurku ku dhacay.

Talaalka weli ruqsad lama siin, laakin waxaa la sameeyey diyaargarow ku saabsan sidii loo qaybin lahaa.

In ka badan 11,000 oo qof ayaa u dhintay Ebola, tan iyo markii uu ka dillacay Guinea, bishii december 2013.