Jalaluddin Haqqani oo suura gal ah in uu dhintay

Lahaanshaha sawirka AP

Maalin ka dib markii kooxda mintidiinta ee Faghanistan ee Talibaan ay qirteen in hogaamiyahoodii mullah Omar uu dhintay, aya waxaa jira ifafaale xoog leh oo muujinaya in mas'uul kale oo muhiim ah laga yaabo in asagana uu muddo ka hor dhintay.

Jalaluddin Haqqani, hogaamiyaha shabakadda xoogga badan ee Haqqani, wuxuu saaxib dhow la ahaa Taliban iyo Al Qaeda.

Shabkadda internetka Dawn ee Pakistan oo soo xiganaysay ilo wareedyo kala duwan gudaha Taliban oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaysa inuu xanuun u dhinaty sannadkii hore.

Laakiin qaar kale oo qoyska ku dhow ayaa taa diiddan.

Haqqani wiilkiisa ayaa dhowaan lagu dhawaaqay inuu yahay hogaamiye ku xigeenka Taliban.