Arsenal oo heshiis cusub la gashay Walcott iyo Cazorla

Lahaanshaha sawirka Getty

Weeraryahanka Arsenal Theo Walcott ayaa heshiis cusub oo afar sano ah la saxiixday kooxdiisa.

Heshiiska ayaa dhigaya in uu todobaadkii qaadan doono £140,000.

26 jirkaas aya 50 gool ka dhaliyey horyaalka, wuxuuna 208 goor u saftay kooxda Arsenal oo uu kaga soo biiray Southampton sannadkii 2006.

Lahaanshaha sawirka Getty

Arsenal waxay kaloo heshiiska u sii kordhisay laacibka khadka dhexe uga cayaara Spain Santi Cazorla.

Cayaartoygan 30 jirka, laba sano oo kale ayuu kooxda la sii joogi doonaa.

“labadaba waa cayaartoy tayadoodu sarrayso, oo aad muhiim ugu ah saamaynna ku leh kooxdeenna” ayuu yiri tababare Arsene Wenger.

Horyaalka Ingiriiska

Todobaadka dambe waxaa billaaban doona horyaalka xiisaha leh ee Premier League ee Ingiriiska. Saacadaha la cayaarayo waxay laba saacadood ka dambeeyaan wakhtiga Afrikada bari. isku aadka sedexda maalin ee ugu horeysana waa sidaan:

SABTI 8th August 2015

Man UtdVTottenham

12:45

BournemouthVAston Villa

15:00

EvertonVWatford

15:00

LeicesterVSunderland

15:00

NorwichVCrystal Palace

15:00

ChelseaVSwansea

17:30

AXAD 9th August 2015

ArsenalVWest Ham

13:30

NewcastleVSouthampton

13:30

StokeVLiverpool

16:00

ISNIIN10th August 2015

LiverpoolVBournemouth