Wikileaks: Mareykanka waxa uu basaasay Japan

Lahaanshaha sawirka AFP

Shabakadda Wikileaks ayaa shaacisay dukumentiyo cusub oo muujinaya in maraykanku basaasayey ku dhowaad 10 sano, siyaasiyiinta ugu sarraysa Japan iyo hogaamiyeyaasha ganacsiga.

Liis ay ku qoran yihiin bartilmaameedyada telefoonnada la dhegeystay ayaa waxaa ku jiray xafiiska cabinetka Japan, saraakiil ka tirsan bankiga Japan, iyo qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Japan.

Mid ka mid ah dukumentiyada sirdoonka Ameerikaanka oo ay ku qornayd, sir culus, ayaa u muuqday inuu daaha ka qaadayo wadaxaajoodyo xasaasi ah oo la xiriira siyaasadda Japan ee isbeddelka cimilada iyo baayacmushtarka caalamiga.

Ma jirto jawaab ka timid dhinaca Tokyo, oo ah saaxib soke oo Maraykanku ku leeyahay gobolka Asia-Pasific