Zimababwe: Waxaan rabnaa cidii dishay Cecil

Lahaanshaha sawirka epicture

Wasiirka deegaanka ee dalka Zimbabwe ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dhaqtarkii Mareykanka ahaa ee dilay Libaax caan ka ahaa dalka Zimababwe, in la keeno dalkaasi si uu wajaho eedaha loo heysto.

Wasiirka ayaa intaa ku dartay in Dr. Walter Palmer, loo baahan yahay in la keeno dalka Zimbabwe, si uu u qaato masuuliyada ficilka sharci darada ah oo uu geystay.

Mr Palmer oo ka soo jeeda gobalka Minnesota ayaa la aaminsan yahay in uu bixiyay lacag dhan 50,000 oo doolar, si uu u ugaarsado libaax magaciisa la yiraahdo Cecil.

Waxa uu sheegay in uu u maleynayay in ugaarsigu uu sharci yahay, uuna ka warqabin in libaaxa Cecil uu ahaa mid badqabkiisa la dhowrayay.