Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhiga buugaagta Hargaysa oo furmay

Bandhiga sanadkan oo ah kii 8-aad waxaa ka soo qayb galay ku dhowaad laba boqol oo isugu jira qorayaal, suugaanyahano iyo aqoonyahano ka kala yimid adduunka.

Buugaagta cusub ee lagu soo bandhigayo carwada sanadkan waxaa kaloo weheliya doodo ku saabsan xuquuqda haweenka, iyo falanqeynta mawduuc cusub oo loo bixiyay Meeshayda, ama Goobtayda.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo ka qayb galay furitaanka saaka ayaa wareystay Jaamac Muuse Jaamac, oo ah qabanqaabiyaha guud ee bandhiga buugaagta oo socon doona toddobaad.