Madax sare oo ku soo laabatay Cadan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Garoonka Cadan ayaa ku burburay dhowr weerar oo ay Sacuudiga ku qaadeen.

Madaxweyne ku xigeenka Yemen Khaled Bahaha yaa ku soo noqday Cadan. Waa madaxdii ugu saraysay ee magaalada ku soo noqota kadib markii laga saaray dagaalyahanada Xuutiga.

Saraakiisha garoonka ayaa sheegay inay la socdeen madaxweyne ku xigeenka lix wasiiro oo ku jira dowladda Yemen ee joogta Sacuudiga. Dowladda Yemen ayaa u carartay Sacuudiga, kadib markii Xuutiga ay qabsadeen Sanca iyo Cadan.