Janaraal lagu dilay Brundi

Image caption Bujumbura

Masuuliyiinta Brundi ayaa sheegay in Adolphe Nshimirimana oo ahaa Janaraal sare la dilay.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegaysa, in dad goobjoogayaal ay sheegeen in Janaraalka lagu dilay weerar gantaal oo lagu qaaday baabuurkiisa magaalada Bujumbura.

Mr Nshimirimana ayaa haa madaxa sirdoonka. Markii laga qaaday xilka, waxaa wali loo arkaayay inuu ka mid yahay dadka ugu awooda badan waddanka. Wariyaha BBC ayaa sheegaya in ay jiraan xabado meelo kala duwan laga maqlaayo meeshii lagu dilay Janaraalka.