Maraykanka: Qorshaha isbadalka cimilada

Lahaanshaha sawirka White House
Image caption Madaxweyne Obama oo jooga xafiiskiisa Aqalka Cad.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Aqalka Cad uu soo bandhigi doono bari oo Isniin ah, waxa uu ugu yeeray talaabadii ugu wayneed uguna muhiimsaneed ee lagu xalinayo isbadalka cimilada.

Ujeedada waxay tahay in la jaro Maraykanka gaaska gala hawada ku dhawaad soddon boqolkiiba shan iyo toban sano gudahood.

Talaabooyinka waxaa ka mid ah in xooga la saaro tamarta laga helo qoraxda iyo dabaysha iyo tamaraha kale ee nadiifka ah.

Laakiin, dadka ka soo horjeeda qorshahan ee ka ganacsada tamarta ayaa sheegaya in Obama uu dagaal la galay tamarta dhuxusha, taasoo ah soddon boqolkiiba in ka badan meesha ay ka imaato tamarta uu Maraykanka u baahan yahay.