UAE oo maxkamad keenaysa koox

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dubai

Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa afartan iyo kow qof maxkamad saaraysa, iyadoo ku eedeynaysa inay doonayeen inay ridaan dowladda ayna sameeyaan dowlad Islaami ah.

Dacwad oogaha Guud ee Imaaraadka ayaa sheegay in kooxda ay taageereen fikrado mayal adag, ayna sameeyeen xerooyin ay ku tababareen dhalinyaro si loo sameeyo waxyaabaha qarxa iyo inay weerar qaadaan.