Nkurunziza: Hala soo qabto kuwa dilay taliyaha

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay inuu doonayo in isbuuc gudihiisa lagu soo qabto dadkii ka dambeeyay dilka Generaalkii ahaa taliyaha ciidamada dalkaasi ee shalay la dilay.

Madaxweynaha dalkaasi ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka ay isdejiyaan, xasilloonidana la ilaaliyo. Wuxuuna u sheegay dadka rayidka ah inaysan ku lug yeelan dhibaatada.

Waxa uu amaanay taliyaha la dilay oo uu ku sheegay inuu ka dhaqeyn jiray dhisidda ciidamada booliska iyo militariga dalkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi ee u tartamay xilka madaxweynaha mar sedaxaad ayaa go’aankiisaasi waxaa ka dhashay rabshado iyo isu soo baxyo amniga dalkaasi qalqal geliyay.

Kumannaan qof ayaa dalkaasi ka qaxay, 70 qofna way ku dhinteen rabshadaha.

Madaxweyne Nkurunziza oo ku guuleystay doorashadii bishii hore ayaa mucaaradku ay diideen.