Koox lagu xiray Itoobiya

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Addisababa

Maxkamad ku taal Itoobiya ayaa ku xukuntay koox ka kooban hogaamiyayaal muslin, wariyayaal iyo dad olololeeya labaatan iyo labo sano oo xarig ah iyadoo la isticmaalay sharciga cusub ee argagixisada.

Siddeed iyo tobanka qof ayaa lagu helay danbi argagixiso, iyo inay doonayeen inay sameeyaan dowlad Islaami ah.

Waxaa la xiray saddex sano ka hor iyadoo lagu eedeeyay fara galin diin. Way beeniyeen danbiga loo haysto, waxayna ka dacwoodeen in si xun loola dhaqmay inatay xabsiga ku jireen.