Suuqa saamiyada Gariiga oo furmay

Lahaanshaha sawirka c
Image caption Suuqa saamiyada ee Gariiga.

Suuqa saamiyada ee Gariiga ayaa dib u furmay markii ugu horaysay mudo shan toddobaad.

Qiimaha saamiyada ayaa hoos u dhacay labaatan iyo laba boqolkiiba, saamiyadihii bangiyada waawayna waxay hoos u dhaceen soddon boqolkiiba.

Suuqa saamiyada Gariiga ayaa xirnaa tan iyo bishii June oo ay sii kordheen dhibaatooyinka dhaqaale.

Wali waxaa jira xayiraadyo, maalgashatada dalka ku iibsan karin saamiyada lacagta bangiga u taala.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in la rajaynayo furitaanka suuqa saamiyada inay tahay sidii loogu noqon lahaa ku dhawaad nolol caadi ah.