Ciidamada Nigeria oo boqollaal qof badbaadiyay

Lahaanshaha sawirka Nigeria Army
Image caption Dadkan la badbaadiyay dhammaan waa shacab sida ciidamada sheegeen

Ciidamada dalka Nigeria ayaa waxa ay sheegayaan inay soo badbaadiyeen ugu yaraan 100 qof oo badankoodu ay dumar iyo caruur yihiin kuwaas oo gacanta ugu jiray ururka Boko Xaraam.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayey ciidamada ku sheegeen in xarumo ay Boko Xaraam ku leeyihiin meel u dhow magaalada Maiduguri la burburiyay.

Afhayeen u hadlay ciidamada Nigeria waxa uu sheegay inay taliye kooxdaasi ka tirsan ay howgalkaasi ku soo qabteen.

Laakiin ciidamada kameysan hadlin xilliga uu howlgalkaasi dhacay.

Dhanka kale, madaxweynaha Niger, Mahamadou Issoufou, ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee gobolkaasi ee dhowaantan la dhisay ay awood u leeyihiin ciribtirka Boko Xaraam.

Hadal uu TV ka jeediyay ayuu ku sheegay in qorshaha daadgureynta ciidankaasi oo ku dhow 9 kun oo askeri si wanaagsan loo diyaariyay.

Dagaalka Boko Xaraam ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen kumannaan qof tan iyo 2009kii.