Qorshaha Obama ee isbedelka cimilada

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Obama ayaa doonaya inuu qorshe wanaagsan ka gaaro isbedelka cimilada ka hor intuusan xilka ka degin

Madaxweyne Obama ayaa daaha ka qaadaya wax lagu sheegay tallaabada ugu muhiimsan ee Mareykanka uusan weli qaadin ee lagu xakameynaayo sii xumaashaha cimilada dunida.

Qorshahan oo lagu dhimayo qiiqa wasaqeysan ee hawada ku baxa ee ay sii daayaan warshadaha Mareykanka waxa uu aad uga duwan yahay sidii markii hore la filaayay.

Waxay u badan tahay in maamulka Mareykanka ay ku doodaan dhimidda qiiqa ka baxa warshadaha, inta uu socdo kullanka isbedellada cimilada ee dhici doona dhammaadka sanadkan.

laakiin, qorshayaashaasi waxa haysto mucaaradaad aad u xoogan oo kaga imaanaya kuwa diidan siyaasadaha Obama iyo warshadaha tamarta.