Suuriya: Diyaarad dagaal oo dhacday

Lahaanshaha sawirka
Image caption Burburka Diyaarada Suuriya.

Diyaarad dagaal ee Suuriya ayaa ku dhacday suuq dad ka buuxaan magaalada mucaaradka ee Ariha. Magaalada ayay weerararaysay. ugu yaraan labaatan iyo shan qof ayaa ku dhintay, dad badana waa ay dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in suuqa ay ka buuxeen dad ganacsato ah iyo maacaamiil, waxay ka hadleen qarax burbur gaystay.

Waxay sheegeen dhismayaal badan inay burbureen, dad badana ay ku hoos jiraan burburka.

Magaalada oo ku taal waqooyiga gobolka Idlib ayaa mucaaradka ay qabsadeen bishii May.