Wiilka Qadafi oo xabsiga lagu jirdilay

Lahaanshaha sawirka .

U ololeeyayaal xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay madaxda Libya inay baaraan maxaabiis la arkay iyagoo si xun loola dhaqmayay, kuwaasi oo uu ku jiray wiilka hoggaamiyahii hore dalkaasi Mucamar Al-qadafi.

Muuqaal Video ah oo internetka la soo dhigay ayaa lagu arkay Saadi Qaddafi oo si xanuun badan looga garaacyo cagaha mar lagu wareysanayay xabsi ku yaal xarunta Tripoli. Ma cadda markii ay dhacday arrintan.

Ururka xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa ka dalbaday madaxda inay cadeeyaan waxa ka dhacay xabsiga, ayna xaqiijiyaan in maxaabiista oo dhan aan mustaqbalka la dhibaateyn.