Shilal tareen oo ay dad India ugu dhinteen

Image caption Tareen India khadka kaga baxay

Ugu yaraan 19 qof ayaa dhimatay kaddib markii laba tareen oo ah kuwa rakaabka qaada ay ka baxeen khadkii ay ku socdeen daqiiqado gudahood bartamaha dalka India. Saraakiisha ayaa sheegaya in dhowr boqol oo qof la soo badbaadiyay.

Shilka ayaa dhacay markii tareenka Kamayani Express, oo ku socday magaalada barakaysan ee Varanasi, uu ka baxay khadka mar uu marayay buundo dulmarta webi mara gobolka bartamaha ee Madhya Pradesh.

Daqiiqado gudahood ayaa tareen kale oo dhinac kale u socday isna sidoo kale uu khadka uga baxay.

Shilka ayaa la sheegay in uu sababay fatahaado ka dhashay roobab halkaasi ka da'ayay.

Howlaha samatabixinta ayaa wali halkaasi ka soconaya.