Xuutiyiinta oo saldhig laga saaray

Ciidamada taageersan dowladda Yemen ayaa sheegay, inay ka saareen dagaalamayaasha Xuutyiiinta saldhig muhiim ah oo diyaaradaha oo ku yaala koonfurta dalka.

Ciidamada dowladda iyo isbahaysigooda ayaa bilaabay isniintii weerarka saldhigga Al-Anad iyagoo sheegay in haatan uu gacantoodu ku jiro. Waxaa dhawaan hub xoojin ah siiyay isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo oo taageera dowladda Yemen, waxaana sidoo kale lagu soo warramayaa in isbahaysigu uu siiyay la taliyayaal militeri oo ka kaalmeeya dhulka.

Falaagada ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, balse kuwa arrimaha la socda ayaa ku tilmaamay in jab xoog leh uu soo gaaray.

Dhinaca kale, dowladda Djibouti ayaa ku baaqday gargaar caalami ah, si loo kaalmeeyo qaxootiga kaga yimid Yemen. UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan toban kun oo Yemeniyiiin ah ay yimaadeen wadanka yar ee geeska Afrika ilaa bishii March.

Djibouti ayey dadkeedu sagaal boqol oo kun yihiin. Wuxuuna afhayeenka madaxweynaha, Naguib Ali Taherm, sheegay in qaxootiga ay u baahan yihiin hoyi', daawo iyo in niyad ahaan loo taageero.