Afghanistan: Dhimashada dumarka oo korortay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Warbixinta Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay korortay tirada dumarka iyo carruurta ee e ku dhaawacma ama lagu dilo Afganistaan, tan iyo intii ay dhamaatay hawlgalkii Nato bishii December.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in tirada dumarka ee la dilay ama dhaawacantay ay korortay 23%.

Waxay sheegtay kororka inuu ugu wacnaa dagaal dhulka oo kordhay. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Talibaanka iyo mucaaradka kale inay joojiyaan rayadka ay beegsanayaan.