Doon ku rogmatay xeebaha Libya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Doon ay saaran yihiin dad tahriibayaal

Ilaalada xeebaha ee talyaaniga ayaa sheegay in doon kalluumaysi oo loo malaynayo inay sidday boqolaal muhaajiriin ah ay ku rogmatay xeebaha Libya.

Waxay sheegeen in doontu ay qallibantay ayadoo muhaajiriintu ay dhinac doonta ka mid ah u yaaceen markii ay arkeen doon kuwa wax samatabixiya ah.

Ilaa 150 qof ayaa biyaha laga soo saaray, laakiin tiro intaas ka badan ayaa laga cabsi qabaa inay la gadoontay.

Doonta kalluumaysiga ayaa mushkilad xagga cimilada oo xun ah waxay ku qabsatay meel 25 KM u jirta biyaha Libya, waxayna dirsatay qaylo dhaan gaartay Sicily.

Dhowr doon ayaa goobta u soo gurmaday, ayadoo saddex helicobtarna ay gacan ka gaysanayaan samatabixinta.