Burburka diyaaradeed ee la helay "waa kii" MH370

Lahaanshaha sawirka Reuters

War haddasoo dhacay oo ah in Raiisal Wasaaraha Malayshiya uu xaqiijiyey in baalkii diyaaradda ee laga helay badweynta India uu ahaa qayb ka mid ah diyaaradii la waayey ee ku jirtay duulimaadkii MH370.

Wuxuu sheegay in khubaradii baareysay burburka ay xaqiijiyeen in qaybta la helay ay ka mid aheyd diyaaradii luntay bishii march 2014 ee ay saarnaayeen 239 rakaab ah.