Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti dib ugu noqday Muqdisho

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa maanta xeryaha Dhadhaab ka duulisay in ka badan boqol qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo la geynayo caasimadda Muqdisho.

Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab, isla markaana dalkooda dib ugu laabanaya, ayaa waxaa lagu qaadi jiray gawaari.

Heshiis saddex geesood ah oo horay ay u gaareen dalalka Soomaaliya, Kenya iyo hay'adda UNHCR ayaa u ogolaanaya qaxootiga diyaarka ah, in dib loogu celin karo Soomaaliya.