Qarax wayn oo ka dhacay Afghanistan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawir qarax oo hore

Ugu yaraan lix ruux oo ay ku jiraan saddex booliis ah ayaa lagu dilay qarax bambaano oo gaari loo adeegsaday oo ka dhacay bariga Afghanistan.

Gaari wayn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay banaanka saldhig booliis oo ku yaala magaalada Puli Alam oo ah caasimadda gobolka Logar sida ay saraakiishu sheegeen.

Ururka Taliban ayaa sheegtay in ay ka dambeyeen weerarkaasi.

Waa weerarkii u waynaa ee ay ururkaasi qaadeen tan iyo markii uu dhintay hogaamiyahoodii mullah Omar todobaadkii hore.

Gafarnatooraha gobolkaasi Aleem Fedaee ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari aan aad u waynayn balse uu sababay dhaawacyo badan oo soo gaaray shacabka, isla markaasna ay daaqado kiiloo mitir u jira daateen.

Saraakiisha caafimaadku waxay sheegen in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen 13 ruux.

Taliban waxa ay sheegeen in ay bartilmaameedsadeen Millitari iyo cusutubyada sida millitariga u tababaran.

Todobaadkii hore qoraal ay soo saareen Taliban ma aysan ku sheegin goorta iyo sida uu u geeriyooday hogaamiyahooda Mullah Omar.

Dawladda Afghanistan waxay sheegtay in hogaamiyaha Taalibaan uu ku dhintay Isbitaal ku yaala magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Si kastaba ha ahaatee Pakistan markaste waa ay diidi jirtay in uu dalkooda joogay Mullah.

Ilo ka tirsan Talin ayaa sheegay in Mullah Omar uu badalay ku xigenkiisii Mullah Akhtar Mansour.