Dagaal dhex maray Al shabab iyo AMISOM

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxa hawlgalka Midowga afrika ee Somalia ayaa BBC u sheegay ciidankiisu ay dileen in ka badan 300 oo ka tirsan mintidiinta al shabab, tan iyo markii ay duullaanka ku qaadeen bishii hore.

Maman Sidikou ayaa wuxuu kale oo uu sheegay in ay baarayaan eedeymo la xiriira in askarta midowga Afrika ay dad rayid ah ku dileen magaalada Marka dhinaceeda koofureed.

Dhanke kalena, waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in dagaal culus uu Al Shabab iyo askarta itoobiyaanka ku dhex maray meel u dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.