Qarax ka dhacay Sacuudiga

Lahaanshaha sawirka Reuters

Masjid ku yaala dalka Sacuudiga ayaa lagu weeraray baabuur laga soo buuxiya waxyaabaha qarxa oo ismiidaamin ah waxaana ku dhintay ugu yaraan soddon qof.

Qaraxan ayaa waxa ka dhacay magaaladda Abhaa ee ku taala koofurta dalka, waxaana lala beegsaday masjid ay ku tukukadaan saraakiisha ciidamada gaarka ah ee ciidanka qalabka sida ee Sacuudiga.

Wali lama yaqaano cida weerarka geysatay, hase ahaatee waxaa laga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan mucaaradka Xuutiyiinta ee ku sugan xuduudka dhinaciisa kale ee dalka Yemen oo aan ka fogeyn magaaladda Abhaa.

Bilihii la soo dhaafay dalka Sacuuidga ayaa waxaa uu horseed ka ahaa ciidamada xulufada ee taageeraya dowladda Yemen, waxayna weerar xagga cirka ah ku qaadayeen deegaanadda Mucaaradka xuutiyiinta.