Wadahadalka nabadeed ee South Sudan

Lahaanshaha sawirka AFP

Wadaxaajoodkii la isku dayay in lagu soo afjaro culaadda South Sudan ayaa ka bilowday caasumadda dalka Etoobiya ee Addis Ababa.

Dhexdhexaadiyeyaasha IGAD ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan Madaxweyne Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riekh Machar in ay saxiisaan heshiis nabadeed ugu danbeyntii taariikhu marka ay tahay 17 bishan Agoosto.

Riek Machar ayaa ku tilmaamay waqtiga kama danbeysta ah ee loo qabtay in uu yahay mid muujinaya iska-horimaad. Golaha kaniisadaha ee South Sudan ayaa ugu baaqay labada hogaamiye in ay si deg deg ah dagaalka ku joojiyaan.

waxayna sheegeen in dad dilidu ay sii socoto inta labada hogaamiye ah ku murmayaan awoodda dalka lagu xukumayo.