Diyaarad ku dagtay garoonka Cadan

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dayaarad rakaab ayaa ku degtay garoon dayaaradeed oo ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen, waana dayaaraddii ugu horraysay ee rayid ee halkaa ku degta, ka dib markii dhowr bilood ay dagaallo xoog leh halkaasi ka socdeen.

Duullimaadka ayaa waxaa saarnaa dad guryo noqonayey oo ka soo cararay dagaalka u dhaxeeya fallaagada xuutiyiinta iyo ciidanka xukuumadda raacsan ee dalka Yemen.

Todobaadyadii u dambeeyey dhinaca ciidamada xukuumadda iyo ciidamada gacan saarka la leh ayaa ku gacan sarreeyey dagaalka oo ay u suurto gashay in ay dib uga saaraan fallaagada Xuutiyiinta magaalada Cadan.