Singapore oo konton jirsatay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption dabaaldaga singapore

Singapore ayaa qabanaysa xaflad lagu maamuusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada qaadatay.

Tobanaan kun oo qof ayaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan dabaaldaga, waxaa ka qayb qaadanaya diyaaradaha dagaalka iyo diiyaaradaha Singapore ee A380.

Dadka reer singapore waxaa loogu baaqay in ay kawada qaybgalaan balanqaad qaran iyo in ay qaadaan heesta qaranka.

Singapore waxay madaxbanaanideeda ka heshay federaalkii Malaya iyada oo bartanka lagaga jiray xasilooni darro bulsho.

Singapore waxaa gumaysatay Britain, 50 sano gudahoodse waxay iyadu isu rogtay mid ka mid ah deegaanada adduunka ugu qanisan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Singapore sanadkaste waxay u dabaaldagtaa si layaableh, balse midkan bilo ayaa loo diyaar garoobayay

Laakiin dadka dhaliilaa waxay sheegayaan in kobocaasi dhaqaale ee dagdaga ah uu weheliyo faafreeb adag oo la saaray xoriyadda hadalka iyo siyaasadda.

dabaaldagga sanadkan waxaa ka mid noqon doona xus gaar ah oo loo samayn doono Lee Kuan Yew, kaas oo Singapore u horseeday madaxbanaanideeda wuxuuna Rai'sal wasaare ka ahaa tan iyo sanadkii 1990.

Hogaamiyahaasi aadka loo xurmeeyo waxuu geeriyooday bishii saddexaad ee sanadkan dadwayne aad u badan ayaana aaskiisa ka qayb galay