Japan oo xusaysa Nagasaki

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Taalada nabada ee Nagasaki ayaa lagu qabtay xuska toddobaatanaad ee ka soo wareegtay weerarka Nagasaki.

Japan ayaa ku qabatay xus dareen wayn leh magaalada Nagasaki, halkaasoo ciidamada cirka ee Maraykanka ay bambaano nukliyeer ah ay ku rideen toddobaatan sano ka hor sagaalkii bishii August.

Xuska ayaa dadkii noolaa ee ka badbaaday dagaalka iyo duqa magaalada Nagasaki, ay dhaleeceeyeen qorshaha hadda ee dowlada ee lagu badalayo dastuurka, taasoo saamaynaysa siyaasada milataraiga Japan.

Hadalkooda ayaa helay sacab kaga yimid dadwaynha. Ra'iisawasaalaha Japan, Shinzo Abe, oo doonaya isbadalka dastuurka ayaa fadhiyay goobta. In kabadan toddobaatan kun ayaa ku dhimatay bambaanada iyo cudur ka dhashay nukliyeerka.

Bambaanada, ayaa waxaa ku riday Japan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka saddex maalin kadib markay ku rideen bambaanadii nukliyeerka ee ugu horeeyay magaalada Hiroshima.