Afghanistan oo eedaysay Pakistan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku eedeyay Pakistan weerarada dhawaan ku soo batay Afghanistan.

Madaxweynaha Afghanistaan Ashraf Ghani, waxa uu farta ku fiiqay dalka Pakistan oo uu ku eedeynayo weerarro iyo is-qarxin isdaba joog ahaa oo dhowaanahan ka dhacayay magaalada Kabul.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, oo toos looga sii deynayay televisionka qaranka, Ghani waxaa uu sheegay in sidii qaraxii ka dhacay magaalada Peshawar iyo dilkii boqollaal carruur ah oo aan waxba galabsan looga arkay taariikhda dalka Pakistan wax aan hore loo arag, ay sidoo kale dalka Afqanistaan ka tahay wax aan hore loo arag weerarrada ugu dambeeyay ee magaalada Kabul iyo gobollo kale maalmahan dambe ka dhacayay.

Go'aannada ay qaadato dowladda Pakistan toddobaadyada soo socda waxay saameyn ku yeelan doonaan xiriirka ka dhexeeya labada waddan tobannaanka sano ee soo socda.

Mar la weydiiyay sida ay Pakistan uga jawaabi lahayd haddii magaalada Islamabad lagu soo qaado wax la mid ah weerarkii dhowaan lagu qaaday Shah Shahid iyo Kabul oo kale, madaxweynuhu waxaa uu yiri "ma sii daawan karayno dhiigga dadkeenna oo lagu daadinayo dagaal dibadda nalooka soo dhoofiyay oo dusha nalaka saaray.

Wuxuu kaloo sheegay inuu nabad rajeynayo laakiin dalkiisa dagaal looga soo qaadayo xagga Pakistan.

Pakistan waxaa kaloo dhaliilay Cabdalla Cabdalla oo ah Ra'iisal wasaaraha Afqhanistan, oo sheegay in Pakistan aanay waxba ka fulin ballan qaadyadii ay u fidisay dowaldda Afqhanistaan ee ahaa inay nabadda ka wada shaqeeyaan waxaana uu sheegay inaan nabad lagu gaari karin siyaasadda laba wejiilenimada.

Waxaa uu Pakistan ku eedeeyay inay Talibaan gacan ka siinayaan sidii ay weerarro ugu soo qaadi lahaayeen Afghanistaan, isla markaana ay hubeynayaan halkii ay cadaadis ku saari lahaayeen inay ka qayb galaan wada hadallada nabadda.

Cabdalla Cabdalla waxaa uu soo jeediyay in dowaldda Afqhanistaan ay qaaddo tallaabooyin lagu ogaanayo cadawga qarsoon ee ku dhex jira dowladda taas oo hadda kahor aan laga fekeri jirin.