Karenzi Karake oo maxkamad daysay

Image caption Jeneraal Karenzi Karake ayaa ad ugu dhow madaxweyne Paul Kagame.

Maxkamada British ah ayaa waxay amartay in la sii daayo Jeneral Karenzi Karake oo madax u ahaan jiray sirdoonka Rwanda.

Jeneral Karake ayaa lagu eedeynayaa inuu ku lug lahaa xasuuqii Rwanda ee 1994. Wasiirka cadaalada ee Rwanda ayaa soo dhaweeyay go'aanka maxkamada isagoo sheegay inay ahayd dacwad aan daacad ahayn.

Xiritaanka madaxii hore ee sirdoonka oo lagu xiray garoonka dayuuradaha ee Heathrow ee London ayaa caro badan ay ka imaatay Rwanda, iyadoo madaxweyne Paul Kagame uu ku eedeeyay reer galbeedka xushmo la'aan.