Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland : Waraysiyo dad boliisku dhaawacay

Magaalada Hargeysa, rasaas boliisku ku rideen waxaa ku dhintay wiil yar oo kow iyo toban sano jir ah, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo kale oo mid ka mid ahi yahay wiil 15 sano jir ah oo sheegay in isagoo baaskiil watay wadada ay xabaddu ka haleeshay lugta oo ay jebisay.

Dadkan rasaastu haleeshay maqribkii shalay, ayaa waxay isku dhaceen boliiska oo yimid dhul laba dhinac ay ku muransan yihiin oo guri laga dhisayay.

Wariyaha BBC Ahmed Saciid Cige, ayaa isbitaalka ku waraystay dadka dhaawaca iyo shaqaalaha caafimaadka.