Madaxweyne Assad ina adeerkii oo la xiray

Lahaanshaha sawirka SANA
Image caption Madaxweyne Assad oo khudbad jeedinaya

Nin ay ilma adeer yihiin madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay in uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dalkaasi.

Suleyman Hilal al-Assad ayaa la sheegay in uu korneelka ku hortoogtay caruutiisa, kaddib markii uu dhex maray muran ku saabsan adeegsiga waddo.

Dilka ayaa ka dhacay magaallo xeebeedka Latakia.

Dibad baxyaal careysan ayaa mudaharaad sameeyay, iyagoo dalbaday in la toogto Suleyman.