Wasiir ku xigeen isucalisay “la dagaalanka qabyaaladda”

Image caption Cabdikariim Axmed Mooge, wasiir ku xigeenka iscasilay

Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Cabdikariim Axmed Mooge ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Cabdikariim Axmed mooge oo ka mid ah xubnaha golaha wasiirada somaliland ugu da'da yar wuxuu ku oo sheegay war kooban oo soo saaray in sababta uu isu casilay ay tahay -waa siduu hadalka u dhigayee- isagoo doonayo inuu u madax banaanaado olole uu sheegay inuu ku qaadayo la dagaallanka qabyaaldda ee bulshada dhexdeeda.

Faah-faahin kale ma bixin wasiir xigeenka is casilay galabta.

Cabdikariim Axmed Mooge wuxuu ka soo jeedaa qoys caan ka ah bulshada Soomaalida iyadoo aabihii iyo adeerkiiba ahaayeen fanaaniin heesaha caan ku ahaa.